
Geesiga garabka uga ciyaara Barcelona, Raphinha, weli waa gooldhaliyaha ugu sareeya UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

Laacibka reer Brazil ayaa leh 12 gool kadib markii la soo gaba gabeeyay lugta hore ee siddeed dhamaadka Champions League.
Raphinha ayaa hal gool ka horeeya saaxiibkiisa kooxda Barcelona, Robert Lewandowski, oo isna kaalinta labaad kaga jira liiska gooldhalinta.
Wuxuu Raphinha dhaliyay hal gool kulankii ay Barcelona 4-0 ku garaacday Borussia Dortmund oo ka dhacay garoonka Estadi Olímpic Lluís Companys.
Gooldhalinta Champions League kadib kulamadii Talaadadii iyo Arbacadii:
- 12 gool – Raphinha (Barcelona)
- 11 gool – Robert Lewandowski (Barcelona)
- 10 gool – Harry Kane (Bayern) iyo Serhou Guirassy (Borussia Dortmund)
- 8 gool – Erling Haaland (Manchester City)
- 7 gool – Julián Alvarez (Atlético Madrid), Jonathan David (Lille), Ousmane Dembélé (PSG), Kylian Mbappé (Real Madrid), Vangelis Pavlidis (Benfica), iyo Vinícius (Real Madrid)
Lugta labaad ee sideed dhamaadka Champions League ayaa la ciyaari doonaa toddobaadka dambe.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag