
Tababaraha xulka Brazil, Carlo Ancelotti, ayaa shaaca ka qaaday in horumarka weeraryahanka da’da yar ee Real Madrid, Endrick, uu hoos ugu dhacay sababo la xiriira saameynta Vinícius Jr. iyo Rodrygo ee safka hore ee Los Blancos.

Ancelotti, oo hore u soo maamulay Madrid, ayaa Endrick ka saaray liiska ciyaartoyda loogu yeeray kulammada ugu dambeeya ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 – inkastoo uu nasiyay dhowr xiddig oo muhiim ah.
19-sano jirkan reer Brazil ayaa markii ugu dambeysay loo soo xushay xulka bishii Maarso, iyadoo weli uu la halgamayo sidii uu boos joogto ah uga heli lahaa Santiago Bernabéu. Xilli ciyaareedkii hore, Endrick wuxuu kaliya ku bilowday saddex kulan oo LaLiga ah, intii uu Ancelotti maamulayay Madrid.
Ancelotti ayaa u sheegay ESPN:
“Waxaan Endrick tababaray hal sano, aad ayaan ugu qancay shaqsiyan iyo xirfad ahaanba. Dabcan, ma uusan ciyaarin heerkii ugu fiicnaa, sababtoo ah Real Madrid waxa ay hore u heysatay Rodrygo iyo Vini. Tartanka koox weyn waa muhiim, laakiin waxa uu saameyn ku yeelan karaa horumarka ciyaaryahan da’yar.”
Tani waxay soo jeedinaysaa in Endrick u baahan karo waqti iyo dulqaad si uu boos uga helo koox ay adag tahay in safkeeda hore si sahlan lagu kasbado.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag