Mark Lawrenson oo saadaaliyay kulamada Premier League ee usbuucan oo ay ku jiraan Fulham vs Chelsea, Man United, Arsenal iyo kuwo kale.

Halyeeyga Liverpool, Mark Lawrenson, ayaa soo bandhigay saadaashiisa kulamada Premier League ee toddobaadkan, kuwaas oo qeyb ka ah toddobaadka 33-aad ee horyaalka.
Everton ayaa galabta sabtida la ciyaari doonta Manchester City garoonka Goodison Park, halka Aston Villa ay ku martigelin doonto Newcastle United garoonka Villa Park.
Chelsea waxay la ciyaari doontaa Fulham Axadda, halka Arsenal ay la kulmi doonto kooxda Ipswich Town.
Manchester United ayaa ku soo dhoweyn doonta Wolves garoonka Old Trafford galabta Axadda, halka Leicester City ay la ciyaari doonto hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Liverpool fiidnimada Axadda garoonka King Power Stadium.
Tottenham Hotspur ayaa iyana la ciyaari doonta Nottingham Forest habeenka Isniinta.
Mark Lawrenson oo la hadlayey Paddy Power, wuxuu saadaaliyay natiijooyinkan:
Brentford 1-1 Brighton
Crystal Palace 0-2 Bournemouth
Everton 1-2 Manchester City
West Ham 2-0 Southampton
Aston Villa 1-2 Newcastle
Fulham 1-2 Chelsea
Ipswich 0-3 Arsenal
Manchester United 2-1 Wolves
Leicester 0-3 Liverpool
Tottenham 2-0 Nottingham Forest
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag