
Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u dejisay qiimaha ay ku iibinayso weeraryahankeeda da’da yar ee Gonzalo Garcia xagaagan, kaddib bandhig cajiib ah oo uu ka sameeyay FIFA Club World Cup 2025.

Sida uu daabacay wargeyska AS, maamulka Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay la tacaalaan bixitaanka Garcia haddii kooxaha doonaya miiska saaraan €50 milyan oo euro, iyadoo ay jirto xiiso xoogan oo uga imaanaya saddex kooxood oo waaweyn oo Premier League ka tirsan, iyo kooxo kale oo ka dhisan qaaradda Yurub.
Garcia ayaa si weyn u soo jiitay warbaahinta iyo kooxaha, kaddib markii uu Club World Cup-ka ku dhaliyay 4 gool isla markaana bixiyay 1 caawin 6 kulan gudahood, inkastoo kooxdiisa Real Madrid ay si lama filaan ah uga hartay tartanka kadib guuldarro 4-0 ah oo ay kala kulmeen Paris Saint-Germain wareegga afar dhammaadka.
Xiddigan 21-jirka ah ayaa heshiis kula jira Real Madrid ilaa xagaaga 2027, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore ka qeyb galay 4 kulan oo horyaalka isagoo ku lug yeeshay laba gool.
Maamulka kooxda ayaa hadda u arka in ay si wanaagsan uga faa’iideysan karaan iibkiisa haddii uu ka tago xagaagan, maadaama qiimihiisa suuqa uu kor u kacay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag