October 7, 2025

Paul Pogba Oo U Duulay Mareykanka Iyo Kooxda Uu Ku Biirayo Oo La Ogaaday

Paul Pogba ma ku biiri doonaa kooxda Lionel Messi?! Xiddigii hore ee Man Utd oo lagu arkay ciyaartii furitaanka MLS ee Inter Miami xilli uu dhamaad marayo ganaaxiisii daroogada.

Paul Pogba ayaa mar kale dhaliyay warar la xiriira inuu ku biiri karo Inter Miami, kaddib markii xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka uu la kulmay David Beckham isagoo daawanayay kulankii furitaanka xilli-ciyaareedka MLS ee Herons.

Xiddiga reer France ayaa dhawaan dhamaysan doona ganaax uu la kulmay sababo la xiriira kiis daroogo ah, kaasoo sababay in kooxda Juventus ay kansasho qandaraaskiisa. Pogba ayaa haatan xor u ah inuu dib u bilaabo xirfaddiisa ciyaareed laga bilaabo bisha Maarso.

Kooxo kala duwan oo caalamka ah, oo ay ka mid yihiin Manchester United iyo Marseille, ayaa lala xiriirinayay Pogba, waxaana sidoo kale jirtay warar sheegaya inuu 31-jirkan raadinayo fursad uu kaga ciyaaro Mareykanka.

Xiddigan khadka dhexe ayaa hadda ku sugan Mareykanka, halkaasoo uu ka shaqeynayo taam ahaanshihiisa, wuxuuna fursad u helay inuu daawado ciyaartii ay Inter Miami la ciyaartay New York City FC. Pogba wuxuu ka mid ahaa marti sharaf badan oo daawanayay kulanka, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa shaqsiyaad caan ah sida Serena Williams iyo Eva Longoria.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*