January 15, 2026

Murankii Ugu Xumaa Ee FA Cup-ka: Guardiola Oo Waji Gabax Kala Kulmay FA-ga Kadib Aflagaaddo Weyn Oo Uu Jeediyay

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA) ayaa si adag uga jawaabay dhaleeceyntii uu tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, u jeediyay kubadda Mitre ee loo isticmaalay FA Cup-ka kadib guushii ay kooxdiisu ka gaartay Plymouth Sabtidii.

Guardiola ayaa ku tilmaamay kubadda mid aan wanaagsaneyn marka loo eego kuwa loo isticmaalo Premier League iyo Champions League.

Afhayeen u hadlay FA-ga ayaa difaacay kubadda, isagoo sheegay: “Kubadda Mitre Ultimax Pro – oo loo isticmaalo Emirates FA Cup iyo tartamada kale ee FA-ga – waxaa loo tijaabiyay sida waafaqsan shuruudaha FIFA. Kubadaha laga isticmaalo heerka kubadda cagta ee xirfadlayaasha waa inay buuxiyaan shahaadada FIFA Quality Pro, kubaddanina waxay buuxisay dhammaan shuruudahaas.

Anaga iyo Mitre waxaan fahamsan-nahay in doorbidida kubaddu tahay arrin shakhsi ah, laakiin waxaan ku kalsoonahay in kubaddu si fiican u shaqeyneyso. In ka badan 350 gool ayaa la dhaliyay ilaa hadda tartanka nus-reebka, taasoo muujineysa sida xiisaha leh ee tartanku u socdo.”

Guardiola ayaa caro ka muujiyay kubadda isagoo yiri: “Kubaddu ma aha mid fiican. Waan ka xumahay. Sannado badan ayay sidan ahayd FA Cup iyo Carabao Cup. Waan ogahay inay ganacsi tahay oo heshiisyo la galay, laakiin kubaddu ma aha (mid wanaagsan).

“Ma ogtahay inta darbo ee dhaaftay goolka? Ma aha kaliya Erling (Haaland) – ee eeg ciyaaraha kale. Waxaan tan sheegayay sanado badan. Waa run. Kubadda Champions League waa heer sare, tan Premier League-na waa heer sare, tanse ma fiicna.”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*