October 7, 2025

Mo Salah Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhaxeeyay Isaga Iyo Mane

Mohamed Salah ayaa si furan uga hadlay xiisaddii ka dhex jirtay isaga iyo saaxiibkiisii hore ee Liverpool Sadio Mane, isagoo beeniyay eedeymaha sheegaya inuu ahaa ciyaaryahan aan kubadda la wadaagin marka uu garoonka joogo.

Wareysi uu dhowaan bixiyay, Salah ayaa sharaxay in kadib markii uu dhaliyay 44 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, Mane uu is lahaa hadda waa fursadaada ee  hoggaami weerarka.

“Waxaan dhaliyay goolal badan (44 gool xilli ciyaareedkaygii ugu horreeyay), markaas Sadio wuxuu is yiri hadda waa fursadaadii,” ayuu Salah yiri.

“Haa, waxaa jiray xiisad aniga iyo Sadio. Laakiin eeg, waxaanu ahaanay kuwo xirfad leh ilaa dhamaadkii, mana u maleynayo inay saameyn ku yeelatay kooxda.”

Salah wuxuu sidoo kale xusay xaqiiqooyinka ku saabsan xiriirkooda garoonka, isagoo muujiyay inuu isagu ahaa ciyaaryahankii ugu caawinta badnaa Mane muddadii ay wada ciyaarayeen.

“Marka laga hadlayo hadalada la leeyahay ee isku dhaceena ? Kuma fikirin inuu si toos ah uga falcelinayo Mane. Dadku waxay xaq u leeyihiin iney bannaanka keenaan fikir kooda.

“Laakiin waxaan doonayaa in dadka ka war hayaan in ciyaaryahankii ugu caawinta badnaa Mane uu ahaa aniga (18 caawin). Dadku xaqiiqda way eegi karaan, laakiin si cad way fududahay in hadallo noocaas ah la tuuro – waxay sameeyaan cinwaanno waaweyn.

”Xiisad u dhexeysay Salah iyo Mane ayaa muddo dheer ka dhex jirtay hadalheynta taageerayaasha iyo falanqeeyeyaasha, laakiin hadalada Salah ayaa muujinaya in xiriirkooda xirfadeed uu ahaa mid wanaagsan inkasta oo ay jireen dhibaatooyin hoose.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*