October 7, 2025

Mo Salah Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool –Taageerayaashu Ma Fileyn Go’aankan!!!

Kooxda Liverpool ayaa sii wada xilli ciyaareed cajiib ah iyadoo wali ku tartamaysa koobab kala duwan, balse mustaqbalka qaar ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan ayaan weli la hubin.

Mo Salah, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold ayaa dhammaan qandaraaskoodu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo keentay su’aalo badan oo la xiriira sii joogitaankooda.

Sida laga soo xigtay wargeyska Football365, Liverpool ayaa dardar gelisay wadahadallada ay la leedahay Salah si ay u xaqiijiso mustaqbalkiisa.

Qandaraaska haatan uu laacibka reer Masar kula jiro kooxda ayaa ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan, wuxuuna dhawaan shaaca ka qaaday in sanadkan uu noqon karo midkiisii ugu dambeeyay, sababo la xiriira wadahadallo aan horumar lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, wararkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in Salah uu hadda u janjeero inuu sii joogo Anfield, iyadoo guulaha joogtada ah ee Liverpool ay door weyn ka ciyaareen go’aankiisa.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*