October 26, 2025

Milos Kerkez Oo Si Lama Filaan Ah U Shaaciyay Hal Wax Oo Liverpool Ka Caawin Doonta Inay Garaacaan Man United

Daafaca bidix ee Kooxda Liverpool Milos Kerkez ayaa sheegay inuu si weyn u sugayo kulanka weyn ee Premier League ee axadda ka dhici doona Anfield, halkaas oo Liverpool ay ku wajaheyso Manchester United, iyadoo doonaysa inay joojiso silsilad saddex guuldarro oo xiriir ah.

Xiddiga reer Hungary ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ciyaartaas, isagoo yiri:

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay kulankan. Waa kulan weyn oo muhiim u ah naadiga — waa inaan guuleysanaa.”

Kooxda Liverpool ayaa ku soo laabanaysa Anfield kadib markii ay guuldarrooyin kala kulantay Crystal Palace, Galatasaray, iyo Chelsea, dhammaantoodna ay ahaayeen kulamo ay marti ahayd. Kerkez ayaa aaminsan in taageerayaasha garoonka ay siin doonaan dhiirrigelin muhiim ah.

“Markaan ka ciyaarayo Anfield mar walba si gaar ah ayaan isu dareemaa — waxaan helaa tamar badan, mana dareemo daal badan sababo la xiriira xamaasadda taageerayaasha,” ayuu raaciyay.

Kerkez, oo horay guul ugu helay garoonka Anfield kulankii Merseyside derby, ayaa sheegay in kooxda ay si fiican u soo laabatay kadib fasaxii xulalka qaranka:

“Ciyaartoy badan ayaa si fiican ugu ciyaaray xulalkooda, waxaana dhammaanteen u diyaar garownay si adag.”

Isagoo ku celiyay muhiimadda taageerayaasha, Kerkez ayaa yiri:

“Waan ogahay in taageerayaashu ay na garab istaagi doonaan sida caadada u ah, waana kuwa na siiya tamarta iyo dhiirranaanta ugu badan.”

Inkasta oo Liverpool ay ku jirto xaalad adag oo ay Arsenal kala wareegtay hoggaanka horyaalka, Kerkez ayaa muujiyay kalsooni buuxda:

“Dhammaan ciyaartoydu way caafimaad qabaan, waxaana dooneynaa in qof walba ka qeyb qaato kulanka taageerayaasha, ciyaartoyda safka hore iyo kuwa keydka ah  ujeeddadeennu waa hal mid: inaan helno saddexda dhibcood.”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*