October 7, 2025

Manchester United Oo Ceeb Kala Kulantay Tottenham Iyo Onana Oo Si Xun Loo Dhaleeceeyay

Taageerayaasha Manchester United ayaa si weyn uga caroodey Andre Onana kaddib markii goolhayaha ay ka fakatay kubbad daciif ah, taasoo u fududeysay James Maddison inuu Tottenham hogaanka u dhiibo.

Kubbad uu soo karoosay Son Heung-min ayaa waxaa si qaab daran u saaray Noussair Mazraoui, balse waxay u tagtay Lucas Bergvall oo taagnaa xadka xerada ganaaxa ee United. Xiddiga reer Sweden ayaa si dhaqso leh kubbadda ulaaday, taasoo uu soo tufay Onana, balse halkii uu si wanaagsan uga fogeyn lahaa goolka, wuxuu dhigtay hoostiisa, taasoo u suurtagelisay Maddison inuu si fudud shabaqa ugu hubsado.

Tani waxay noqotay dhacdo kale oo gool daciif ah uu Onana badbaadin karay, taasoo dab ku shiday sabarka dhamaaday ee taageerayaasha Red Devils.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*