
Madaxweynaha kooxda Barcelona, Joan Laporta, ayaa si cad u sheegay qorshaha kooxda ee ku aaddan mustaqbalka xiddiga reer Brazil Raphinha Diaz, kaas oo si weyn u iftiimay xilli ciyaareedkan.

Laporta ayaa wareysi uu siiyay La Vanguardia ku xaqiijiyay in Barcelona ay damacsan tahay inay cusbooneysiiso qandaraaska Raphinha, kaas oo dhacaya xagaaga sanadka 2027.
Wuxuu yiri: “Haa, wuxuu ahaa cajiib. Cusbooneysiinta qandaraaskiisa waa mid ka mid ah arrimaha qorshaha noo yaalla maalmaha ama toddobaadyada soo socda.”
Laporta wuxuu sidoo kale intaa ku daray:
“Ma rabno in ciyaaryahan uu sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa galo iyadoo uusan heshiis cusub heysan.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag