October 7, 2025

Kulamada Jude Bellingham La Ganaaxay Oo La Shaaciyay

Xiddiga Real Madrid, Jude Bellingham, ayaa la ganaaxay laba kulan kadib markii xukunka casaankii uu qaatay kulankii LaLiga ee ay kooxdiisu barbaraha 1-1 la gashay Osasuna Sabtidii la xaqiijiyay, sida uu shaaciyay guddiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta Spain.

Real Madrid ayaa racfaan ka qaadan doonta go’aankaas, kaasoo la micno ah in laacibka England uu seegi doono kulamada LaLiga ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Girona iyo Real Betis.

Garsoorihii ciyaarta, José Luis Munuera Montero, ayaa casaan siiyay Bellingham daqiiqaddii 39-aad, xilli Madrid ay markaas hoggaanka ku heysay 0-1. Warbixinta garsooraha ayaa lagu sheegay in Bellingham uu aflagaadeeyay isagoo ku yiri: “F–k you.”

Osasuna ayaa goolka barbaraha dhalisay qeybtii labaad ee ciyaarta kaddib markii Budimir uu rigoore u dhaliyay, taasoo keentay in Madrid ay lumiso labo dhibcood oo muhiim u ahaa.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*