
Jude Bellingham ayaa si toos ah uga hadlay guuldarradii weynayd ee Real Madrid kasoo gaartay Arsenal kadib markii kooxda difaacaneysa Champions League lagu garaacay 3-0.

Declan Rice ayaa dhaliyay labo laad xor ah oo cajiib ah qeybtii labaad ee ciyaarta,halka Mikel Merino – oo si degdeg ah loogu bedelay weeraryahan – uu dhaliyay goolkii seddexaad, Gunners ayaana 3-0 kaga badisay Real Madrid lugtii hore ee sideed dhamaadka Champions League ee ka dhacday Emirates Stadium.
Kadib natiijadii naxdinta lahayd ee ka dhacday Waqooyiga London, xiddiga England iyo Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa qirtay in kooxdiisu gabi ahaanba laga badiyay. Waxa uu sheegay in natiijadu ay ka sii darnaan lahayd haddaanay nasiibkooda ahayn.
Bellingham oo la hadlay warfidiyeenka ayaa yiri:
“Nasiib ayaanu leenahay in kaliya saddex nalka dhaliyay. Ciyaarta gabi ahaanba kama aanan qeyb ahayn. Taasi waa xaqiiqo, Arsenal-na aad bay u fiicneyd. Inkastoo labada gool ay ahaayeen laadad xor ah, hadana waxay dhalin kareen goolal badan oo kale. Waxaa harsan lugta labaad, taas ayaana hadda na dhiirigelineysa.”
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag