October 7, 2025

Fabrizio Romano Oo Kashifay Go’aanka Arsenal Ay Ka Gaartay Raheem Sterling

Xiddigii hore ee xulka England, Raheem Sterling, ayaa xagaagii hore ka soo dhaqaaqay galbeedka London asagoo ku biiray Arsenal, isagoo si amaah ah ugu yimid Chelsea maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga.

Soo qaadashada Sterling waxay ahayd fursad uu Mikel Arteta ka faa’iidaystay, maadaama Chelsea aysan u baahnayn xiddigan, halka Arsenal-na ay rajeyneysay inuu waayo-aragnimadiisa iyo awoodiisa weerar ku caawiyo kooxda.

Intaa waxaa dheer, Chelsea ayaa ogolaatay inay bixiso qayb weyn oo ka mid ah mushaharkiisa, taasoo Arsenal ka dhigtay mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ma aysan hubin in ay si rasmi ah u iibsan doonto Sterling, mana jirin wax heshiis ah oo ku qasbaya inay sidaas sameyso.

Sida laga soo xigtay saxafiga caanka ah Fabrizio Romano, Arsenal wax wada-hadal ah lama yeelan doonto Chelsea si ay si rasmi ah ulasoo wareegto Sterling xagaaga soo socda.

“Arsenal waxay ka filaysaa Sterling inuu wax badan soo bandhigo bilaha ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka, balse waxaa la filayaa inuu dib ugu laabto Chelsea marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan. Taasi waa dareenka cad ee gudaha kooxda,” ayuu Romano u sheegay GIVEMESPORT

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*