
Chelsea ayaa go’aansatay inay si rasmi ah u la wareegto Jadon Sancho, inkasta oo heshiiska uu kula jiro Manchester United uu xambaarsanaa fursad u ogolaaneysa Blues inay ka baxaan saxiixa xiddigan.

Sancho ayaa xagaagii hore soo afjaray waayihiisii liitay ee Old Trafford, isagoo si amaah ah ugu biiray Chelsea xilli ciyaareed dhan.
Heshiiskaas ayaa dhigayay in Chelsea ay si rasmi ah u iibsato Sancho dhammaadka xilli ciyaareedka, qiime uu u dhexeeyo £20-25m. Taasi waxay u muuqatay inay soo afjarayso waayihiisii Manchester United, balse maalmo ka hor ayaa la xaqiijiyay in Chelsea ay haystaan fursad ay heshiiska uga bixi karaan oo ay Sancho dib ugu celin karaan kooxdiisii hore.
Si ay uga baxaan heshiiska, Chelsea waa inay bixiso £5m, taas oo ay qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha ciyaaraha sheegeen inay noqon karto doorashada ugu fiican, maadaama Sancho uu dhibaato ku qabo waayihiisa Stamford Bridge.
Xiddigan reer England waxa uu xilli ciyaareedkan dhaliyay kaliya laba gool, waxaana inta badan laga saaray safka koowaad maadaama macallin Enzo Maresca uu la tacaalayay weeraryahanno badan oo kooxdu heysato.
Intaa waxaa dheer, Chelsea ayaa xiiso u qabtay inay la soo saxiixato weeraryahanno garbaha ka ciyaara, taasoo shaki galisay mustaqbalka Sancho. Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports ayaa sheegtay in Blues ay weli qorsheyneyso inay heshiiska amaahda u beddesho mid rasmi ah marka xilli ciyaareedka dhammaado.
Sancho waxa uu si aad ah u doonayaa inuu sii joogo Stamford Bridge, maadaama uu caruurnimadiisii taageeri jiray Chelsea, isagoo xasuus xun ka haysta waqtigiisii Manchester United.
Sancho, oo Manchester United kaga soo biiray Borussia Dortmund sanadkii 2021 qiimo dhan £70m, waxa uu saddex xilli ciyaareed oo hoos u dhac ah ku qaatay Old Trafford ka hor inta uusan go’aansan inuu baxo.
Xiddigan hore ee da’yarta Manchester City ayaa khilaaf xoogan la galay tababarihii hore ee United, Erik ten Hag, kaasoo su’aal ka keenay anshaxiisa iyo dadaalkiisa tababarka.
Markii ay xaaladdu sii adkaatay, Sancho waxa uu bishii Janaayo ugu laabtay Dortmund qaab amaah ah, halkaas oo uu ka caawiyay kooxda inay gaarto final-ka Champions League, inkastoo ay guuldarro kala kulmeen Real Madrid.
Kadib markii uu yimid Chelsea, Sancho waxa uu caddeeyay inuu doonayo inuu si rasmi ah ugu sii nagaado kooxda ka dhisan London marka amaahdiisu dhammaato.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag