October 7, 2025

Chelsea Oo Dalab Waalli Ah Ka Gudbisay Mid Kamid Ah Weeraryahannada Ugu Halista Badan Premier League

Chelsea ayaa markale qorsheynaysa inay qarash gareyso lacag badan suuqa xagaaga soo socda, iyagoo doonaya inay si buuxda u taageeraan tababare Enzo Maresca.

Tan iyo markii Roman Abramovich uu iibiyay kooxda, Stamford Bridge waxaa ka socday isbeddello waaweyn oo ciyaartoy ah, iyadoo Blues ay si weyn ugu dadaalayso inay markale noqoto koox u tartami karta horyaalka  Premier League     

Chelsea ayaa haatan kaalinta lixaad kaga jirta Premier League, waxey kaliya ka hooseysaa boosaska loogu soo baxayo  Champions League halka sidoo kale tartamada gudaha laga soo reebay.

Sida laga soo xigtay warbixin uu bixiyay falanqeeye Mick Brown oo la hadlay Football Insider, Chelsea waxay bartilmaameedsaneysaa xagaagan daafac dhexe si ay u xoojiyaan safkooda.

Waxaa la sheegay in Blues ay aad u daneynayso saxiixa Murillo, iyadoo Nottingham Forest ay bishii Janaayo diiday dalab ay Chelsea ka gudbisay difaacaas.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ma ahan oo kaliya inay raadineyso difaac, waxay sidoo kale doonayaan inay xoojiyaan weerarkooda marka suuqa kala iibsiga furmo, iyadoo Kaoru Mitoma uu ka mid yahay xiddigaha la filayo in ay bartilmaameed ka dhigtaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*