
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa si kaftan ah u sheegay in daafaca William Saliba uu dalbaday inuu ka ciyaaro weerarka, maadaama kooxda ay la daalaa-dhacayso dhaawacyada weeraryahannada.

Arsenal ayaa wajahaysa xaalad adag oo dhanka weerarka ah kaddib dhaawacyadii soo gaaray Kai Havertz iyo Gabriel Jesus, kuwaas oo garoomada ka maqnaan doona inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
Leandro Trossard, oo ka mid ah xiddigaha weerarka uga ciyaara Arsenal, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo safka hore. Si kastaba ha ahaatee, Arteta ayaa daaha ka qaaday in Saliba uu si kaftan ah u soo bandhigay fikradda ah inuu ka ciyaaro weerarka kooxda.
“Willy aad buu u qosol badan yahay,” ayuu yiri Arteta. “Markii ugu horreysayba, wuxuu ka falceliyay xaaladda isagoo soo jeediyay inuu ka ciyaaro weerarka.”
Tababaraha reer Spain ayaa intaa ku daray in Saliba uu hore u ciyaari jiray weerarka waqtiyadii hore, isla markaana uu dhalin jiray goolal badan intii uu yaraa.
“Laakiin malaha ciyaartoy badan ayaa halkaas ka ciyaaray markii ay yaraayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Arteta.
Arsenal ayaa isku dayaysa inay xal u hesho dhibaatada weerarka iyadoo ku jirta tartanka horyaalka
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag