December 1, 2025

Tababare Enzo Maresca Oo Shaaciyay Qorshaha Ay Ku Qaadi Karaan Koobka Europa League

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, Ayaa Sheegay In Bartilmaameedkooda Xiga Uu Yahay Inay Gaaraan Semi-finalka UEFA Conference League.

Maresca ayaa hadalkan ka yiri kadib guushii 1-0 ee ay ka gaareen FC Copenhagen kulankii lugta labaad ee wareega 16-ka habeenkii Khamiista.

Kiernan Dewsbury-Hall ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, taasoo Blues ka caawisay inay u gudbaan wareega siddeed dhammaadka.

Maresca, oo la hadlay TNT Sports, ayaa yiri: “Waa muhiim in la gaaro wareega siddeed dhammaadka. Hadafkeena xigana waa inaan u gudubno semi-finalka. Waxaan u qalannay guushan labadii lugood ee aan ciyaarnay.

“Waxaan wax ka bedelnay qaab-ciyaareedkayaga qeybtii labaad, taasoo naga dhigtay kuwo aad u fiican. Waa in la yeeshaa dulqaad.”

Markii la weydiiyay guusha iyo filashada taageerayaasha ee ku aaddan hanashada koobab, wuxuu ku jawaabay: “Sida saxda ah, Naadigan mar walba wuu hanan jiray koobab waana inaan dadaalkeena ugu fiican sameyno si aan u gaarno yoolkayaga xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale waxa uu yiri”Waxaan u baahan-nahay inaan siino taageerayaasha iyo kooxda koob.”

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*