October 7, 2025

Duqeyn ka dhacday deegaanka Ceel-bacad. Iyo Hogaamiyaal alshabaab Oo Lagu laayay

Wararka laga helayo Duleedka Deegaanka Ceelbacad ee G/SH/DHEXE  ayaa sheegaya in Duqeeyn ay halkaasi ka dhacday  waxaana lagu  fuliyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin duleedka degaanka Ceel-Bacad ee gobolka SHabeelada Dhexe.

Duqeynta ayaa la sheegay in lagu khaarijiyay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta ay si gaar ah lala beegsanayay godadka ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Shabeelada Dhexe.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*