
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna mucaaradka ugu hadalka adag ee ka soo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu maanta ka hadlay xaalada siyaasadeed uu dalka marayo iyo dagaalka ka dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka socda dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyay inuu isugu yeero maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo dadka siyaasiyiinta, si talo mideynsan loogu wajaho dagaalka argagixisada.
“Madaxweynow Geesinimadu waa inaad liqi kartaa Qabkaaga oo dadka kuugu fog, sida Jubbaland iyo Puntland inaad telefoon u diri kartaa, una yeeri karto” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab aysan qasan karin dadka Soomaaliyeed , waxaana xusay in Koofurta ugu faa’ideystaan isku dirta beelaha Soomaaliyeed.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag