
Waxaa saakay barqo hore lagu dilay deegaanka Moqokori Sakariye Shiiq Cali Carab oo ka mid ahaa wadayaasha gaadiidka u kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka somaliya.

Dilka marxuumka ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox ku sugnayd bartaas ay rasaas ku fureen gaadkiisa, taasoo keentay in uu ku dhinto darawalkii waday gaariga AUN.
Dhanka kale Lama oga sababta rasmiga ah ee dilkiisa keentay, mana jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya Iyo Deegaanka lagu dilay.
Sakariye Shiiq Cali Carab wuxuu ahaa darawal caan ka ah gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Cadaado.
Ehelka iyo dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadan, si cadaaladda loo horkeeno cidda ka dambeysay dilka marxuumka AUN.
Si kastaba ha ahaatee Kooxaha Isbaarada Dhigta ayaa dhibaatooyi daran ku haaya Gaadiidka u kala safraya Gobolada Dalka Mana Jiro Nidaam Doowladeed oo u diyaarsan in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka isbaarada oo sababta in lagu dilo shaqaalaha Gaadiidka iyo dadka safarka ah
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag