
Sida ay wararka sheegayaan Kooxo hubaysan ayaa saakay Subaxii hore weerar culus ku qaaday saldhigga bartamaha Boosaaso, Waxaana la sheegayaa in ay Xabado culus ay dhinacyadu is-weydaarsadeen Waxaana si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada xilligii salaadda subax.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda hubeysan laga qabtay hub ay kala soo dageen xeebta magaalada Boosaaso, kadib markii xalay ciidamada ammaanka ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi.
Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa dhintay, halka uu jiro dhaawac, Hubka kooxdaasi weli wuxuu gacanta ugu jiraa ciidamada dowladda.
Xaaladda magaalada ayaa haatan dagan, sida ay xaqiijiyaan wararka.
Dhanka kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag