
Wararka naga soo gaaraya Degmada Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo deegaanka kaasi oo u dhaxeeya dadka deegaanka Iyo ciidamada Dowlada Federalka oo dhinac ah Iyo Alshabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin Degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka shabeelada Dhexe.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo werinayo inuu jiro khasaare soo gaaray labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Degmada Masaajid Cali Gaduud laga dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, inkastoo aa weli xog rasmi ah la helin .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka wadaan deegaanka.
Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaafin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan iska kaashanayaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag