October 7, 2025

M/Weeyne Xasan Sheekh oo gaaray Degmada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelaha dhexe

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  dib ugu laabtay deegaannada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Gaaray Degmada  Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah dadka deegaanka iyo Ciidamada deegaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada Al-shabaab ay uga dulqaadi lahaayeen dadka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kaddib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaddib markii Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

May be an image of 1 person

.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*