
Madaxdii hore ee dalka iyo waxgaradka bulshada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in loo midoobayo dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish iyo Alshabaab iyo halisaha kale ee dalku uu xilligan wajahayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynahihii hore dowlad goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dhibaatooyinka haysta oo dagaalku kamid yahay iyo halista ka imaanaysa shisheeyaha doonaya inuu kala qeybiyo kheyraadkoodana qaato.
Mr Cabdiweli Gaas oo baaqiisa ku adkeeyay maahmaahdii ahayd “markii cadowgaagu bato cududdaadaa la mideeyaa” ayaa sheegay in kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay ku baraareen kala qeybsanaanta dadka iyo maamullada dalka, sidaas darteedna loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto.
Sidoo kale professor Cabdiwaab Shiikh Cabdisamad oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa maqaal dheer oo uu dhowaan qoray dadka Soomaaliyeed ugu jeediyay inay dowlad ku garab istaagaan dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab, asagoo siyaayisiinta ugu baaqay mucaaradnimada iyo badbaadada dalka kala saaraan.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta dagaalka xooggan oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, ayadoo dhanka kale wajahaysa mowjado faragelin shisheeye ah oo halis gelinaya midnimada iyo qaranimada dalkan ka soo kabanaya burburka muddada dheer ragaadiyay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag