October 7, 2025

Ciidanka Puntland Oo Weerar Ku Qaaday Kooxda Daacish Iyo Jab la gaarsiiyay Daacish

Wararka laga Helayo Deegaano ka tirsan Puntland  Dagaal culus oo saacado badan qaatay  xalay ilaa saakay uu ka socda buuraha Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari sida ay sheegayaan Taliska Ciidanka Puntland..

Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay degaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley ayaa bilowday, kaddib markii koox ka tirsan Daacish ay soo weerareen saldhig ciidan, oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ku lee yihiin Dhaban-qooxle.

Sidoo kale Ciidamada difaaca Puntland oo heegan sare ku jiray ayaa si adag isaga difaacay weerarkii Daacish ku soo qaaday saldhiga, halkaasoo ay ciidamadu ku dileen dagaallamayaal ka tirsan Kooxda, rasaas xoogan ayaana weli socota

Dhanka kale Waxaa la sheegayaa hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland uu  ku dhintay dagaalkaasi oo weli socda, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 kale, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo fudud qabaan, sida ay wararku sheegayaan.

Maamulka Puntland ayaa weli dagaal sifeyn ah kula jirta kooxda Daacish oo inta badan fariisimahoodii buuraha Calmiskaat laga saaray, waxaana socda howlgalo goos goos ah oo ciidamadu sheegayaan iney kula jiraan firxadka kooxda Daacish.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*