
Waxa ay Ceeb ku tahay AGA.
Caaqil Afrikaan ah ayaa yiri: ( I hope one day people will understand that English is a language. Not a measure of intelligence).
” Waxaan rajeeynayaa in la gaaro Maalin Dadku ay ogaa doonaan in English-ku yahay Luuqad ee uuna aheyn Garaad iyo Aqoon” . (F.S:1aad)
Dalkeena oo Afkeena Hooyo uu qoran yahay, horena uu u jiray Sharci Amrayo in Xafiisyada Dowladda looga shaqeeyo Afsomaliga. Haddana maanta waxaad arkee wax kaa yaabiyo.
Haddii Laba wasiir ay Xil la kala wareegayaan, warqadda Xil wareejinta waxaa lagu qoraa Af ingriis. Isla wasaaradda dhaxdeeda warqadaha waaxyaha wasaaraddu ay isku dirayaan waxaa lagu qoraa Af ingriis, waqadda Aqoonsiga Wadaha Gaadiidka, warqadaha lacag qabashada iyo lacag bixinta, warqadaha loo dirayo madaxda sare iyo kuwa kale, kuli waxaa lagu qoraa Af ingriis.
Maamul gobaleedyaduna waa sidaa oo kale. Haddii shir loo qabanaa odayaal dhaqameed Boorka waxaa lagu qoraa Af ingiriis, warbixinta shirka oday dhaqameedyada waxaa lagu qoraa Af ingriis. Salaantii waxaa laga dhigay Af ingriis.
Ma ingriis ayaan nahay, mise Somali ka faanee Afkeeda?
Ma fursad qarsoon oo shaqo loogu abuurayo Qurba joogta Reer galbeedkaa, laguna xad gudbayo kuwa Af Carabiga iyo Somaliga wax ku soo bartayaa?
Ogow, haddii aad si fiican u fiiriso warqadaha Af ingriiska ku qoran waa luqad Suuqi ah oo ay isticmaalaan wadayaasha Gaadiidka iyo shaqaalaha Makhaayadaha Reer Galbeedku ee ma ahan luuqad Maamul Xafiiseed “professional language”
Haddii aan sidaan ku sii socono, waxaa dhumayo Af somaliga, waxaad arki doontaa iyada oo Gabdhihii lagu shukaansaday Af ingriiska, lagu mehrinayo Af ingriis.
Arintaani waxa ay ceeb ku tahay, masuuliyiinta Qaranka iyo madaxda AGA ” Akadeemiye- Gobaleedka Afsoomaaliga” ( F.S:2aad)
Qore: Yahya Amir


Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag