October 7, 2025

Duqeyn lagu dilay Horjooge Iyo Ciidankiisii alshabaab G/Sh/Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo xalay duqeymo ka fuliyay saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degmada Al-Kowthar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Wararkka ayaa sheegaya in  duqeynta lagu dilay maleeshiyaadka iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen  dadka deegaanka.

Warar hor u dhac ah oo laga helay ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Hor-jooge ka tirsanaa Maleeshiyadda Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Biyoow Gaafoow iyo Ciidamo oo la socday oo uu meel fagaare ah uu kula hadlayay, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Dhanka kale Ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiso khasaaraha ka dhashay duqeymaha ka dhacay degmada Al-Kowther ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay duqeymo culus oo lala beegsanayo meelaha ay ku dhuumaaleysteen kooxda Al-shabaab.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*