October 7, 2025

Fallaago hoostagta Daacish oo 44 ruux ku laayay masjid ku yaalla Dalka Niger

Wararka laga Helayo Dalka Niger ayaa Sheegaya ku dhawaad  44 qof ay ku dhinteen  weerar ka dhacay masaajid ku yaalla tuulada Fonbita ee gobolka Kokorou, koonfur-galbeed ee dalka Niger. Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, weerarka waxaa geystay kooxo ka tirsan  Daacish.

Wasiir Toumba ayaa intaa ku daray in weerarka uu sababay Dhimasho Iyo Dhawac  Kuna Dhinteen 44 Qof kuna dhaawacmeen 13 qof  , afar ka mid ahna ay xaaladoodu aad u daran tahay. Weerarkan naxdinta leh ayaa keenay in dowladda Niger ay ku dhawaaqdo saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, taasoo bilaabanaysa maanta.

Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka geystay, iyadoo dowladda ay ballanqaadday in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*