October 7, 2025

Dagaalada Ka Socda Gudaha Itoobiya Oo Sii Xoogeeysanaya Iyo jabahadaha Oo Guulo Sheeganaya

Ciidamada Itoobiya ayaa Guulo ka sheetay dagaal ay la galeen jabhada fano ee amxaarada ayagoo sheegay in ay  ka dileen in ka badan 300 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano, kaddib laba maalmood oo ay dagaallo ka socdeen gobolka waqooyi ee Amxaarada.

War-saxaafadeed ay ciidamada soo saareen ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Fano ay weerarro ka fuliyeen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Amxaarada, balse ay ciidamada jabiyeen intii lagu guda jiray dagaalladaas.

Sidoo kale Taliska milatariga ayaa sheegay in 317 dagaalyahan oo Fano ah la dilay, halka 125 kalena la dhaawacay.

Dhanka kale afhayeenka Fano Abebe Fantahun,   ayaa si cad u diiday  hadalka ka soo baxay dowlada itoobiya Iyo tirada ay sheegtay In ay dowladda dishay Sidoo kale , wuxuuna u sheegay wakaaladda Reuters in ciidamada aysan dilin xitaa 30 ka mid ah dagaalyahanadeena

Sidoo kale afhayeenka Fano ee gobolka Gondar Yohannes Nigusu, ayaa sheegay in 602 askari oo ka tirsan ciidamada federaalka lagu dilay dagaalka, 430 kalena lagu dhaawacay, halka 98 askarina la qabtay, isla markaana laga furtay hub.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*