October 7, 2025

Wasir Cismaan Saalax” Itoobiya Waxa ay bad ku dooneysaa Riyo qaldan Oo aan shaqeeyn”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea, Cismaan Saalax, ayaa sheegay in dalkiisu uu aad  u cambaareeyay  waxa uu ku tilmaamay Damaca  qaldan oo duugoobay ee  Itoobiya ku dooneyso inay  ay ku hesho marin badeed iyo saldhig ciidan, iyadoo adeegsaneysa “diblomaasiyad ama xoog militari.”

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay cadaadis saarto  dowlada Itoobiya si ay u ixtiraamto “madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka deriska ah.”

Wasiir Cismaan ayaa hadalkan ka jeediyay kulan warbixin ah oo uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Asmara, isagoo la hadlayay safiirrada joogtada ah, xubnaha korps-ka diblomaasiyadda, iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay-

Warbixintaasi, oo uu bartiisa X ku baahiyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamane Gebremeskel, ayaa diiradda saartay waxa Eritrea ku sheegtay  eedeymo been ah oo la xiriira diyaar  beenta   

Wasiir Cismaan ayaa sheegay in Ciidammada Difaaca Eritrea (EDF) ay  dib ugu laabteen xuduudaha caalamiga ah ee Eritrea  kadi cid kasta oo sheegta ama soo jeedisa wax ka duwan arrintaas ay si ula kac ah Eritrea ugu eedeynayso dhibaatooyinka gudaha ee Itoobiya.

Wuxuu eedeymahaasi u jeediyay “xubno hore oo ka tirsanaa TPLF” kuwaasoo uu ku eedeeyay inay “diideen xukunkii Guddoomiyihii Xuduudda Eritrea iyo Itoobiya (EEBC)” isla markaana ay ku guuldareysteen isku dayo ay ku doonayeen inay xukunka ka tuuraan dowladda Eritrea.

Dhanka kale Isagoo ka hadlayay Heshiiskii Pretoria, Cismaan wuxuu sheegay in Eritrea ay u aragto heshiiskaas inuu yahay  arrin gudaha Itoobiya u gaar ah isla markaana aysan wax dan ah aan ka laheen ”

Dhinaca kale Senator James Risch, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa isna muujiyay walaac, isagoo sheegay in dagaal cusub oo ka dhaca waqooyiga Itoobiya uu yeelan karo “cawaaqib xumo aad u weyn. Sidoo kale  Waxa uu ugu baaqay labada dal Itoobiya iyo Eritrea   inay si degdeg ah u dejiyaan xiisadda.

 

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*