October 7, 2025

Dowladaha Ruushka iyo Qatar oo ka wada-hadlay duullaanka Israa’iil ee Marinka Gaza

Amiirka  Dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo Khadka taleefanka ku wada xariiray ayaa ka wada hadlay duullaanka Israa’iil ee Marinka Qasa iyo xaaladda dalka Suuriya.

Labada hoggaamiye ayaa adkeeyay sida ay uga go’antahay xal u helidda xaaladda cakiran ee Marinka Qasa, kaas oo maamulka Israa’iil uu ka wado duqeymo aan kala joogsi lahayn oo galaaftay nolosha kumannaan qof.

Labada dal ee Ruushka iyo Qatar ayaa saameyn xooggan ku leh caalamka iyo gobolka bariga dhexeba, waxayna Israa’iil iyo Mareykanka cadaadis ku saari karaan joojinta xasuuqa marinka Gaza.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*