
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadale ee G/ Shabeellaha Dhexe Asigoo halkaas kulammo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo odeyaasha uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu.
Sidoo kale Madaxweeynaha Iyo Odayaasha iyo masuuliyiinta kulmay waxa ay isla garteen in la dardargeliyo howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ku sugan deegaannada ee dadkan uu la kulmay Madaxweynaha ay kasoo jeedaa.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ciidan oo kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhaxe, kuwaa uu kala hadlay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidii ay saraakiishan oo qaarkood cabasho qaba uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka.
Sida Xogta lagu helayo Kulanka ayaa ahaa mid lagu kala garnaqsanayo kaas oo u dhaxeeya Beesha Agoonyar Iyo Madaxweeyne Xasan Hase ahaatee waxii la isku heeystay waa laga Hishiiyay waxaana lagu balamay in dagaalka la xoojiyo lagana xureeyo alshabaab deegaanada ay beesha degto.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag