October 7, 2025

jabhadii RSF oo laga saaray Magaalada Khartuum Iyo Jen Al-Burhan Oo Warbaahinta la hadli doono

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Cabdi Fattax Al-Burhan ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inay milatariga la wareegeen gacan ku heynta caasimadda Khartuum

Talaabadan ayaa noqonaysa guushii ugu sarreysay oo milatariga uu ka gaarayo dagaalka muddada labada sanno ah socda, kaddib markii weerarro aan horey loo arag ay ciidanka milatariga Suudaan oo adeegsanaya hub culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku burburiyeen hubka, gaadiidka iyo saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee ciidanka RSF ay ku lahaayeen gudaha Khartuum, kuwaasoo xataa loo diiday inay ka baxaan magaalada

Sidoo kale Ku dhawaaqista guusha dagaal ayaa dhici karto marka laga soo gabagabeeyo howlgallada ay milatariga ku nadiifinayaan xarunta madaxtooyadda Suudaan ee ku taalla Khartuum iyo saldhigyada ay bartamaha Khartuum ku lahaayeen ciidanka RSF.

Dhanka kale Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga uu soo saaro iyo kuwa ay Iran iyo Shiinaha soo saaraan ayaa dhammaantood ku duulaya hawada Khartuum, si ay u burburiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo RSF ay ka sameynayaan Magaalada Khartuum oo kumannaan askari oo milatariga ka tirsan ay howlgallo ka wadaan Waana arrin ay soo dhaweeynayaan shacabka reer suudaan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*