October 7, 2025

Muxuu kala hadlay Madaxweeyne Xasan Odayaalka dhaqanka ee Ku Sugan Degmada Cadale?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa shalay Oo Khamiis ah ku laabtay jiidaha hore ee deegaanada Hirshabelle asigoo  xalay ku hoyday Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa degmadaasi u tegay dardargelinta hawlgalka ballaaran ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Cadale ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha iyo culimada deegaanka iyo weliba Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida & Hoggaanka Macawiisleyda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in nin walba oo masuul ah uu iska xaadiriyo goobta dagaalka, dibna aan loo soo guryo noqon karin, iyadoo aan maleeshiyada Al Shabaab laga ciribtirin Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu masuuliyiinta ka dalbaday in ay wax ka hoggaamiyaan hawlgalka lagu wiiqayo Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu beelaha deegaanka ku adkeynayo inaanan loo kala harin dagaalka dib-u-xoreynta, si loo soo gacan geliyo dhulka ka maqan gacanta qaranka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa xalay Duubabka Dhaqanka iyo siyaasiyiintaba u bandhigay in laga faa’iideysto taageerada ay haatan dowladdu diyaarka ula tahay dadka deegaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha  xubnaha uu la kulmay  u sheegaya keliya inay ka doonayaan in ay iska dulqaadaan cadowga  dalka ku soo duuleen.

Dhanka kale Gobolka Shabellaha Dhexe  waxaa ka socdo hawlgal gaar ah, kaas oo cir iyo dhulba lagu qaaday  maleeshiyada Al Shabaab.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida hadda muuqata, waxa uu tuutaha militariga u xirtay, sidii uu u xoojin lahaa gulufka lagu soo afjarayo Shabaabka Hirshabelle.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*