October 7, 2025

Ciidanka Deegaanka Oo Jidka u galay Kolonyo maleeshiyada alshabaab Iyo Xasuuq kadhacay

 ciidamo katirsan macawiisleyda gobolka Shabeelaha Dhexe     ayaa Sameeyay Howlgal gaar ah  ay sameeyeen , ayaa lagu dilay xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada la wareegeen hub iyo agabyo kale oo ay wateen ragga la dilay.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in labo xubnood oo katirsanaa Al Shabaab oo watay mooto nuuca Fekonta ah lagu dilay deegaanka Galharuur oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, kaddib markii ciidanka deegaanka jidka u galeen raggan.

Ciidanka deegaanka ayaana la wareegay labo qoray oo nuuca AK-47 ah oo ay wateen ragga la dilay, waxa ay sidoo kale ciidamada la wareegeen mooto nuuca Fekonta ah iyo sidoo kale agabyo kale ay wateen oo ay ku jiraan bacaha looga dhuunto duqeymaha diyaaradaha.

Sidoo kale Howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ay fulinayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka  ayaa kusii kordhaya gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana howlgaladan lagu naafeeyay kooxda Al Shabaab oo awood kusoo gashay gobolkan oo horey looga sifeeyay.

Si kastaba ha ahaate hadii ay dowlada ay howl gelin laheeyd ciidanka deegaanka marna alshabaab ma soo haweeysteen balse waxa aad mooda in ay ka seexatay howshaasi-

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*