
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen, Iyo masuuliyiin kale saraakiil iyo Taliyeyaal Ciidan.

Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada ku dhaqan Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag.
Dhanka kale Madaxweeynaha ayaa Dadaal xoogan galina La dagaalanka alshabab balse waxaa jiro Caqabado badan oo diidan in laga adkaado alshabaab ,waxaa jiro madax iyo ganacsato taageersan alshabaab kuwaasi oo ku nool deegaanada HirShabeelle .
Dadka siyaasada ka hadla ayaa qaba in maamulka HirShabelle uusan daacad ka aheeyn dib u xureeynta Hirshabelle waxaana ka garan karta sida uu u shaqeyo maamulka awoodiisa shaqo oo aad u yar waana ku adagtahay in uu guulo ka keeno dagaalka alshabaab Madaxweeyne Xasan inta ay Joogaan Kooxdaan kale Hirshabeelle.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag