
Weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah , ayaa saakay ku qaaday Kooxda Al Shabaab xerada ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Sabiib ee hoostaga degmada Afgooge ee goboilka Shabeelaha Hoose.

Qaraxyada kaddib , ayaa kooxda Al Shabaab waxa ay weerar toos ah ku qaadeen xerada Sabiib , waxaana halkaasi ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxdii weerarka ku qaaday xerada ciidamada iyo sidoo kale ciidankii halkaasi joogay.
Dadka deegaanka ayaa ku warramay in ay maqlayaan rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo, waxaana adag ilaa hadda in la ogaado xaalada xerada weerarka culus saakay Al Shabaab ku qaadeeen.
Dhanka kale Waxaa jira Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac weerarka saakay lagu qaaday xerada ciidamada ku leeyihiin Sabiib, lamana oga ilaa hadda inta ay la egyihiin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee labada dhinac kala gaaray.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor weerar kan lamid ah Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka ku leeyihiin degmada Awdheegle, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan, weerarada nuucan ah oon muddo ka dhicin Shabeelaha Hoose, ayaa u muuqda mid hadda dib usoo laabtay.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag