October 7, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eretareeya Oo Beeniyay In ay Taageeraan Jabhada Tigrega Itobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eretareeya Osman Saleh ayaa beeniyay in Dowladdiisa ay duullaan ku tahay Itoobiya kaddib markii Ciidamo badan oo ay dhigtay xadka ay la wadaagto Dalkaas iyada oo hadal hayn badan ka dhalatay tallaabadaas.

Osman ayaa tilmaamay in arrinta Ciidamada Eretareeya la geeya Xadka ay tahay mid xaqiijin amni  Iyo adkaynta nabadgalyada, waxa uu intaas ku daray in aanay ka baxsanayn xeendaabka xuduudda ee Qaramada Midoobay ogtahay.

Wasiir Saleh ayaa sheegay in Bihsii Nofeembar sanadkii 2024 la geeyay Ciidamada Eretareeya Dhulka Xuduudda ku teedsan si ay uga hortagaan qulqulatooyinka ka jira Gudaha Dowladda Federaalka Itoobiya, tani ayuu ku sifeeyay in ay tahay mas’uuliyadda amniga oo la adkeeyay.

Sidoo  kale Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Eretareeya ay garab istaag u muujisay Kooxo katirsan Tigray ee Waqooyiga Itoobiya kula dagaalamaya Ciidamada ka amar-qaata Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee dhowrkii sano lasoo dhaafay ay is hayeen.

“Dowlada Eretareeya in ay isku diyaarineyso dagaal ay la gasho Itoobiya waa been, Ciidanka Difaaca Eretareeya waxaa Bishii Nofeembar loo daabulay xuduudda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay, waana been in Eretareeya ay taageereyso kooxda Tigray si ay usii xoojiso isku dhacyada Gobolka” Ayuu yiri Osman Saleh, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Dhanka kale Dhowaan waxaa baraha Bulshada qabsaday in Itoobiya ay damacday Dekedda Casab oo Eretareeya ay la go’day markii ay madaxbannaani ka qaadatay Dalkaasi, waxaa hadallo adag is dhaafsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan labada Dowladood Hase haatee wali ma muuqato dhaqdhaqaaq ciidan.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*