October 7, 2025

Maxaa Ka Soo baxay Kulankii M/Weeyene Xasan Yusuf Dabageed .Sanbalosh Iyo Saraakiisha Ciidanka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne ku xigeenka  Hir-Shabeelle, Agaasimaha NISA iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga Gobolkaas ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn waxa uu warbixin la xiriirta dhinaca Amniga ka dhageystay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka oo la wadaagay qorshaha duullaanka ka dhanka ah ‘AS’ sida wararku sheegayaan.

 

 

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka  Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa dhankiisa kulanka ka dhex sheegay in Ciidamada deegaanka Macawiisleyda ay u diyaarsan yihiin la howlgalka Ciidamada Federaalka si loo kordhiyo dhaqdhaqaaqa socda.

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulanka ka dhex sheegay in ay hayaan xogo badan oo lagu xoojinayo howlgallada ka socda Gobollada Dalka.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Moqokori waxa uu dardargelin doonnaa howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee Bartamaha Dal si looga saaro Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*