October 7, 2025

Madaxweyne Xasan oo gaaray degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo kula kulmi doono Saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah Argagixisada.

Waxaa degmada Aadan Yabaal in muddo ah ku sugnaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Col. Shuute iyo saraakiil kale oo halkaas ka waday dardar-gelinta howlgalada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u gudbi doona degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo kulmi doono Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo Hoggaanka Macawiisley.

Howlgalka ka dhanka ah Argagixisada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu laba-jibaarmo, iyadoo maanta Muqdisho soo gaartay diyaarada aan duulilaya laheyn ee Turkiga sameeyay ee Akinci oo ka qeyb qaadan doonta howlgaladaas.

 

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa wali ku dhaqmaya Cadaalad daradii uu ku haayay macaawiisleeyda G/SH/DHEXE Asigoo aan marna u ogoleeyn in ay sameeystaan Hogaamiye lagala soo xariiro halka Macaawiisleeyda Bariga Hiiraan ay leeyihiin Hogaamiye  Taasina waa Xagal daacin uu wali ku haayo Macaawiisleeyda Abgalka-

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*