
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Al shabaab.

Ciidamadan oo tiradooda an la sheegin ayaa u ambabaxay degaano ka tirsan Sh/dhexe oo ay ku dagaalamayaan ciidamada DF oo kaashanaya dadka degaanka iyo Al shabaab weeraro soo qaaday
“Khawaariijta Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta,bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn “Ayuu yiri Taliye Asad.
Ciidamadaan oo boqolaal askari ah ayaa isugu jira Haramcad, Birmad iyo Daraawiish, waxayna ku biirayaan dagaalka dulaanka kooxda Al-Shabaab looga hortegayo ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa sidoo kale aad loola dardaarmay galabta, waxaana la faray inay wax badan ka bedelaan furimaha dagaalka, markii ay tagaan
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag