
Wararka laga Helayo Deegaano ka tirsan G/SH/DHEXE Ayaa sheegaya Meel u dhaw deegaanka Labo-garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu laayay Ciidan ka tirsan Al shabaab oo afur u fadhiyey maqribnimadii caawa goob keyn ah waxaana Howlgalkaasi Fuliyay ciidan ka tirsan Macawiisley deegaanka.

Sidoo kale Ciidamada degaanka ayaa ku guuleystay inay dilaan dhammaan 22 dagaalyahan oo goobtaas ku sugnaa, waxayna ka soo furteen qoryihii ay wateen sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Hirshabelle.
Waa arin la dhihi karo waxa ay mudan tahay in la dhiiri geliyo ciidanka deegaanka si looga xureeyo alshabaab dalka somaliya.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag