October 9, 2025

Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay dowlad deegaanka Soomaalida.

Wararka laga helayo dowlad deegaanka somalida Itoobiya ayaa sheegay Ku dhawaad 9 qof oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, halka toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal xalay soo gaaray oo ka dhacay  degaan lagu magacaabo Bali-daleel ee duleedka Santarka dalanbiya ee Degmada shilaabo ee gobalka Qoroxeey Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale Dagaalkaan oo daba socda dilal ka dhacay maalmihii ugu dambeeyay Deegaankaasi ayaa waxaa jiray gurmadyo xooggan oo ay ka kala helayeen dhinacyada dagaalamay.

Dhinaycada ku dhaawacmay dagaalkii cuslaa ayaa waxaa loo kala qaaday degmooyinka Guriceel iyo Shilaabo

Wali laamaha amniga Dowlad deegaanka Soomaalida kama aysan hadlin colaadaan ka aloosan deegaanadaasi.

Xaaladda deegaanka Bali daleel  ayaa haatan kacsan waxaana mar kasta laga filaan karaa dagaal kale oo dhexmaray maleeshiyaadka dagaalamay.

Dhanka kale ma jiro ciidan ka socda dowlad deegaanka somalida itoobiya Oo kala dhex galay dhinacyada dagaalamaya  waxaa nasiib daro ah meel kasto ay somali degto waa is dileeysaa mana yaqaanaan xurmada bisha ramadaan inkastoo uu walaalkaa dhiigiisa xaaran yahay in la daadiyo.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*