
Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa War ka soo saarey dilkii Galabta ka dhacay isgoyska Afarta Jardiino ee kulmiya 3degmo Yaaqshiid Shibis Iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka tirsan ciidanka taraafikada uu ku dilay darawal bajaajle ah.

Dilkaas ayaa waxaa ka dhashay gadood iyo rabshado ay sameeyeen shacab ka carooday oo halkaas iskugu soo baxay, iyagoo gubay gaari ay lahaayeen ciidanka Booliska
Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in la soo qabtay askariga geystay falka dilka ah, lana soo taagi doono maxkamad
”Eedeysanihii Dilka Geystey ee Ka tirsanaa Taraafikada gacanta ayaa lagu soo dhigey wuxuuna ku xeran yahay Hoggaanka Baarista Dembiyada (C I D ) ma la aqbali dooni in La Burburiyo Hanti Dadweyne Dembiga waxaa masuuliyadiisa leh Shaqsiga geystey” ayuu yiri
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag