
Sida la wada ogsoon yahaa deegaano ka tirsan G/SH/DHEXE waxaa dhawaan la wareegay ururka alshabaab ayadoo ay Ciidankii dowlada Iyo Ciidanka Macaawiisleey ay isaga tagayeen Kadib markii laga awood roonaaday Ciidanka Dowlada Federalka Somaliya.

Maxaa Keenay In alshabaab ay dib ugu soo laabtaan G/SH/DHEXE?
Waxaa soo if baxay warar sheegaya in Madaxweeyne Xasan Sheekh uu Hubka ka dhigay Qaarka ka tirsan qabiilada degan G/SH/DHEXE Gaar ahaan Beesha Agoonyar Gaabane .waxaana loo sababeeyay ninka ay sida weeyn isku hayaan dhanka siyaasada Sheekh shariif in uu ka soo jeedo deegaanada alshabaab ay la wareegeen. Asigoo Yiri Hadii aan Hub siiyo Beri ayay taageerayaan Musharaxa Madaxweeyne Sheekh shariif.
Maxay Ciidanka Deegaanka u dagaal geli waayeen?
Sida la sheegay Ciidanka Macaawiisleey ayaa sheegay in ay Tageero ka waayeen Dowlada Federalka Somaliya Hadii ay ahaan laheeyd Dhanka Taakuleeynta Hubka, ayagoo ku eedeeyay in la siyaasadeeyay halgankii ay soo galeen. ayagoo sheegay in Macaawiisleeyda G/Hiiraan aysan la mid aheeyn sababtoo ah ayaga waxaa la siiyaa Hub Iyo Dhaqaale balse anaga Waxba Kama Helin Dowlada Federalka Somaliya.
Muxuu Yahay Goanka Qaldan uu qaatay Madaxweeyne Xasan Sheekh Soo laabashadii Alshabaab ?
Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa qaatay Goaan Qaldan Kaasi oo ah in uu Dagaalka uu kula Jiro Qabiilka Agoonyar Asigoo u sameeyay Guddiyo badan Halka Qaarkood aysan Ku Jirin Guddiyadii uu dhisay Dhawaan.
Sidoo kale waxa uu ka dhex abuuray guddiyo badan beesha agoonyar dhexdeeda asigoo doonaya in uu ku kala dhantaalo awoodooda Siyaasadeed Waxaana uu dagaalka u wakiishay koox uu hogaaminayo ceeydiid Maxamed Cabdule Iyo C/Risaaq ABuukar Xasan Iyo Suldaan Daahir. Sidoo kale waxaa Jiro Laba Koox oo aan wali banaanka is keenin balse si hoose Hoosha u wadda.
Dhanka kale Dadka Deegaanka ayaa sheegay Sida uu Madaxweeyne Xasan Ku wada Shaqda waa qeeybi oo xakun balse kuma guulaysanayo waxaana uu Caqligiisa soo naqan donaa Markii la isku arko Muqdisho dhexdeeda oo ay alshabaab soo galaan.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag