October 7, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo si adag uga hadlay dagaallada ka socda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga hadlay dagaallada iyo xaaladaha ay wajahayaan dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

“Gobolku waxa uu marayaa xaalad adag, oo aan innagu aragno dagaallo u dhexeeya walaalaha Suudaan, Soomaaliya, Liibiya, Yemen iyo Afgaanistaan”. ayuu Yiri  madaxweyne Erdogan.

Dhanka kale Walaalaha  Qasa waxa uu sheegay, in la gaaray heshiis xabbad-joojin ah, welina waa uu socdo, inkastoo ay Israa’iil isku dayday inay burburiso heshiiskaas, ayadoo dhiirigelin ka heleeysa reer  galbeedka.

Madaxweyne Erdogan ayaa intaas ku daray in dalka Suuriya oo ka socday Dagaalo Ku dhawaad 14 sano uu soo afjaray xukunkii keligii taliska ahaa Bishaar Al azad Sidoo kale Sheegay in ay jiraan kuwo isku dayaya in ay huriyaan colaado diimeed.

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*