
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa hawlgal ballaaran ka wada deegaanada bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanadii ay maleeshiyada Al Shabaab dhawaan ku soo fideen.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maalmo ka hor banneysay deegaanada qaar, halka kuwa kalena la soo sheegayo in weli ay ku sugan yihiin.
Ciidamada ayaa Maalintii Arbacadii shalay weerar ku qaaday deegaanka Lamagaras (Labagaras) ee duleedka Degmada Cadale, kaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay 5-tii bishan la wareegeen.
Sidoo kale Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa weerar culus ku qaaday maleeshiyada alshabaab, oo la sheegay in dhufeysyo ay ka qoteen deegaankaasi. hase ahaatee Ciidamada XDS Iyo Ciidanka Deegaanka ayaa la sheegaya in alshabaab ay saareen deegaankaasi.
dhanka kale Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sii jeedaan deegaanka War Ciise, oo ka tirsan Degmada Raage Ceele.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegaya in uu xafiiskiisa kala socda halka ay wax marayaan, isagoona warbixino ka helaya saraakiisha ku sugan furimaha hore.
Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage
Dhanka kale hawlgalkan Waxaa Ka qeeyb qaadanaya Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) asigoo doonaya in laga Xureeyo alshabaab Deegaanada HirShabelle.
Si kastaba ha ahaatee Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku jira Dadaal Xoogan Sidii AL Shabaab Looga Xureeyn Lahaa Dalka Somaliya ayadoo ay Dowladda geysay ciidamadii ugu badnaa G/SH/Dhexe
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag