
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay Shirka 43-aad ee IGAD ee degdegga ah oo si fogaan arrag ah looga hadlay xaalada ka taagan Koonfurta Suudaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha, la dejiyo xiisadaha, isla markaana la bilaabo wadahadal lagu xasilinayo dalka Koonfurta Suudaan.
Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa Yiri “Waa in mudnaanta koowaad la siiyo nabadda iyo xasilloonida si loo badbaadiyo mustaqbalka shacabka reer Koonfurta Suudaan, isaga oo ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in xal nabadeed lagu dhameeyo khilaafaadka taagan.
“Waxaan ka qayb galay shirka 43-aad ee IGAD ee South Sudan. Soomaaliya waxay si aan gabasho lahayn ugu baaqaysaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda, in colaadda la dejiyo, wada hadalna lagu soo noqdo. Nabadda iyo xasilloonida waa in mudnaanta la siiyaa si loo ilaaliyo mustaqbalka dadka Koonfurta Suudaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Dhinaca kale Madaxda IGAD ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo sii hurin kara colaadda, lana adkeeyo wadaxaajoodka si loo gaaro xal waara.
Dalka Koofurta Suudaan ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Madaxweynaha dalkaasi iyo ku xigeenkiisa, waxaana jira khilaaf muddo soo jiray arrimahaasi la xiriira.
Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag