October 7, 2025

Ciidanka dowladda oo hawlgal ay ka fuliyeen duleedka Afgooye ku dilay xubin ka tirsan AS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 14-ka October, ayaa hawlgal ay fuliyeen ku dilay xubin ka tirsan Al-shabaab; kaas oo AS u qaabilsanaa Sakawaadka iyo Sahanka deegaanka Beledul-amiin ee degmada Afgooye.

Shaqsigaas ayaa lagu magacaabi jiray Daa’uud Maxamed Maleele, isaga oo la sheegay in uu dhibaato ku hayay Shacabka ku nool tuulooyinka hoostaga deegaanada Sabiid iyo Beledul-amiin, si gaar ah dadka beeraleyda ah oo la sheegay in uu si khasab ah wax ugu qaadi jiray.

Sidoo kale, ciidanka ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la’ oggalaan doonin cid kasta oo qeyb ka ah dhibaateynta shacabka, lana aqbali doonin.

Hori dowladda Soomaaliyaa ayaa go’aanno la xiriira amniga ka soo saaray, gaar ahaa cidii lagu helo la shaqeynta AS, sharciga la soo taagi doono

nala wadaag xogta aad heeyso oo saxan

Fakirkaada waa inoo muhiim ee nala wadaag

email address Ma soo bandhigi doono marna haka cabsan hadii anan ogalaansho kaa helin Mhadsanid.


*